Waa tuducyo aan ka soo xulanay murtidii qiimaha badnayd ee Garaad Xirsi Garaad, waana kuwo u noqon kara ummada guubaabo iyo tusaale inagoo ka shidaal qaadanayna marxalada aynu maanta ku suganahay
Wadaad iyo ninkii waran lahow dirir u weel qaada
Wiil iyo walaal wada socdoo waano qaba yeesha
Wacadkaad isugu dhaarateen waafi ha ahaado
Wadankeenu waa fiicanyee cadowga Weydaarsha
Walbahaarka dhiga geesibaan waabasho aqoone
Galiilyada i haysee hurdada gama'a ii diidday
Gulad iyo gacmaba waa qabnaa lagu wax goostaaye
Gaashaanka dhiiga ah warmaha la isla gaafaayo
Goormaan ku ciilbixi tashiga yaan la gaasirine
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
1 comment:
Garaad Cilmiilow, murtida iyo xigmadda Wiil Waal waanu xiisaynayaaye ee tixaha iyo tuducyada dhaxalgalka ah inoo soo daabac oo haynaga bakhaylin waadigii suugaanta deeqsi ku ahaaye. Allow Cilmiile darajediis raaji!
I hope you are in fine fettles old boy! Many moons have passed since we last conversed.
I shall come back to comment on the historical portrait you painted of the Commander of the Dervish Cavalry.
Great read. Allaa yesallimak!
Regards,
Ethinker
Post a Comment